What do you think of Jesus' Words?

What do you think of Jesus' Words?

What do you think of Jesus' Words?

Sidee baad u aragtaa ERAYADIISA?

Mar ayaa cadaawayaashiisu u direen booliis si ay u soo qabtaan isaga, markii booliiskii u tegay waxay dhegeysteen waxbariddiisii, markaasaydib isaga soo noqdeen iyagoon soo qaban, waxayna iyagoo yaaban yiraahdeen, "Ninna weligiis uma hadlin sida ninkaasi u hadlay." (Yooxanaa 7:46) Bal u fiirso waxa uu yiri, "Anigu waxaan ahay nuurka dunida. Kii i soo raacaa gudcur kuma socon doono, wuxuuse lahaan doonaa nuurka nolosha." (Yooxanaa 8:12) Mid Muslin ah oo saaxiibkay ah ayaa iigu sharraxay sidan, "Ma ogtahay saaxiibow nebiyadu inay dayaxa oo kale yihiin. Dayaxu wuxuu soo ifaa habeenkii, nebiyaduna waxay ilayska Ilaahay keeneen adduunkan daciifka ah mugdigana ah. Dayuxu waa sida nebiga oo kale, marba ilayskiisu wuu soo kordhaa ilaa inta uu ka noqonayo ilays buuxa, ka bacdina wuu libdhaa, laakiin ha baqin dayax kale ayaa meeshiisii ku soo beddelmayee. Nebiyaduna sidoo kale midba mid ayuu ka dambeeyay, mid ayaa waxyooday wuuna dhintay, mid kale ayaana meeshiisii lagu soo beddelay. Quruun kastaa waxay heshay ilays Ilaahay ka yimid." Diimaha dadku sameeyay waa sida ilayska, shumaca ama dayaxa, laakiin yaa kuwan yaryar ilayskooda u baahan markay qorraxdu soo baxdo? Ciise ayaa yiri, "Waxaan ahay nuurka dunida."(Yooxanaa 8:12) Isagu waa qorraxdii xaqnimada. Weligaa ma aragtay qorraxda oo yaraata ama ilayskeedu is dhimo? Maya, weligeed ma baaba’do, qof kasta ayay ifisaa dal kasta ha joogee. Ciise waa sida qorraxda oo marna isma dhimo. Inkastoo daruuraha dembiga iyo rumayn la’aantu marmar hareeyaan, haddana mar kasta dhalaalkiisu wuu joogaa. Ciise wuxuu u yimid qofkasta dal kasta ha joogee. Sayid Ciise ayaa mar kale yiri, "Waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee." (Yooxanna 14:6) Nebiyadoo dhammi waxay u yimaadeen inay dadka u tilmaamaan jidka Ilaahay loo maro, waxayna yiraahdeen, "Kani waa jidka Ilaahay, raaca kan, qaata waxbariddiisa, kani waa jidka, ee dhawraa marradiisa." Laakiin Ciise wuxuu yiri, "Anigu waxaan ahay jidka ah, i soo raaca." Wiil yar ayaa beri ku lumay magaalo weyn. Wuxuu ka yimid dal kale, markaa wixii uu doonayey si fiican uguma sheegan karayn luuqadda laga isticmaalo meeshaas uu ku lumay. Nin booliis ah ayuu weyddiiyey bal inuu u tilmaamo jidkii uu gurigooda u mari lahaa. Ninkii booliiska ahaana wuxuu ku yiri, "Jidkan raac, marka koowaad bidixda u leexo, marka labaadna midigta, ka bacdina buundada ka gudub, meesha baabuurta badani maraysana ka wareeg ilaa aad jidka dhexe gaaro..." Wiilkii yaraa oohin ayaa ka soo booday. Ninka booliiska ahi jidka saxda ah wuu u sheegay, laakiin wiilka yar ayaa aad u itaal darnaa, aadna u cabsanayey, tilmaantana aan raaci karin. Laakiin isla markiiba nin ay wiilka yar isku tuulo yihiin ayaa yimid, gacanta ayuuna qabtay oo kaxeeyay. Wiilka yari aad buu u daalanaa socodkuna wuu ku adkaa, laakiin ninkii ayaa garabka saaray oo gurigiisii geeyay. Ninka booliiska ahi jidka ayuu tusay, laakiin ninka ay isku tuulada ahaayeen ayaa jidka ahaa. Ciise wuxuu yiri, "Waxaan ahay jidka, jidka aada guriga Aabbaha." Sidee baad u aragtaa qisooyinkiisii yaabka lahaa? (Akhri Luukos 15). Sidee baad u aragtaa yeeriddiisii yaabka lahaa? Wuxuu yiri, "Ii kaalaya kulligiin kuwiinna hawshaysan oo culaabaysanow, oo anigu waan idin nasin doonaa." (Matayos 11:28) Sidee baad u aragtaa erayadiisii? Ninna sida ninkaas oo kale weligii u ma hadlin. (Yooxanaa 7:46) Isagu waa mid khaas ah, mid la barbardhigi karaana ma jiro. Mid isaga la mid ah lagama helayo adduunka iyo jannadaba. 

——

How do you see HIS WORDS?

Once his enemies sent police to arrest him, when the police went to him they listened to his teaching, then they came back to him without arrest, and they said in astonishment, "No one has ever spoken like that man." (John 7:46) Notice what he said, "I am the light of the world. Whoever follows me will never walk in darkness, but will have the light of life." (John 8:12) A Muslim friend of mine explained to me, "Do you know, my friends, that the prophets are like the moon. The moon shines at night, and the prophets bring the light of God to this weak and dark world. The moon is like a prophet. It shines more and more until it is a full moon, and then it wanes and dies, but do not be afraid another moon will come take its place. Every nation has received light from God." Man-made religions are like light, candles or moons, but who needs these little ones when the sun rises? Jesus said, "I am the light of the world." (John 8:12) He is the sun of righteousness. Have you ever seen the sun go down or its light dim? No, it never goes away, it shines on everyone, no matter where they are. Jesus is like the sun that never sets. Although the clouds of sin or unbelief may hide the sun, it is still there in all its brightness. Jesus came for everyone in every country. The Lord Jesus said again, "I am the way and the truth and the life. No one comes to the Father except through me." (John 14: 6) All the prophets came to show the people the way to God, saying, "This is the way of God: Follow him, and he will teach you." But Jesus said, "I am the way. Follow me." A little boy was lost one day in a big city. He came from another country, so he could not say exactly what he wanted in the language used where he was lost. He asked a policeman if he could point the way to their home. The policeman said, "Follow this road, first turn left, second to the right, then cross the bridge, and turn around until you reach the middle of the road ..." The little boy burst into tears. The policeman told him the right way, but the little boy was very weak, very scared, and could not follow the instructions. But immediately a man from the same village came and took him by the hand and led him away. The little boy was very tired and had difficulty walking, but the man put his arm around him and took him home. The policeman showed him the way, but the man from the same village was on the way. Jesus said, "I am the way, the way to the Father." What do you think of his amazing stories? (Read Luke 15). What do you think of his wonderful invitations? He said, "Come to me, all you who labor and are heavy laden, and I will give you rest." (Matthew 11:28) What do you think about his words? No man ever spoke like this man (John 7:46). He is unique, incomparable. There is no one like him on earth or in heaven.

Sidee Baad u Aragtaa Masiixa?
10
May
Dhalashadiisii Yaabka Lahayd?
10
May
How Did Sin Enter the World?
10
May
Allah Tests Nabi Ibrahim
10
May
Sidee baad u aragtaa DABEECADDIISA?
10
May
Sidee Baad U Aragtaa Magacyadiisa?
11
May
Jesus Has Made The Journey to Allah
11
May
What Do You Think of His Power?
11
May
What Do You Think of How Jesus Overcame Death?
11
May

I usually respond within 48 hours.
Please, don't forget to include your email.

Thank you!
Your message has been received!
Oops!
Something went wrong while sending the message.