What Do You Think of Jesus' Suffering?

What Do You Think of Jesus' Suffering?

What Do You Think of Jesus' Suffering?

Sidee baad u aragtaa SILCIDDIISII?

Sidee baad u aragtaa dhimashadiisii? Adigu ma ogtahay meesha aad ku dhiman doonto? Dalka aad joogtid mise dal kale? Badda dhexdeeda, jidka, sariirtaada dusheeda, xaggee? Mase ogtahay sida aad u dhiman doonto? Ma xanuun baad u dhiman doontaa, mise shil, mise dhimasho iska caadi ah? Waxaa laga yaabaa inaad tan ka jawaabi kartid. Goorma ayaad dhiman doontaa? Meeqa sano ayaadse jiri doontaa? Maalintee, bishee, sannadkee? Maxaase kugu dhici doona dhimashada kaddib? Adiga iyo aniguba waa inaynu qiranaa inaynaan ogayn waxyaalahan oo dhan. Ilaahay uun baa og oo go'aankooda leh. Laakiin Ciise wuu ogaa oo horey ayuu u sii sheegay meeshii uu ku dhiman lahaa oo Yeruusaalem ahayd. Wuxuu sheegay sidii uu u dhiman lahaa, isagoo tafaasiil ka bixinayey sida uu u dhiman doono.(Luukos 18:31-33) Xertiisii ayuu u sii sheegay goorta uu dhiman doono. Waxayna ahayd maalinta allabbariga, maalintaa soo qof walba qalayey wan si ay ugu dabbaal-degaan Ciidda Kormaridda, wuxuuna u dhintay sidii isagoo ah, "Wanka Ilaah oo dembiga dunida qaaday." (Yooxanaa 1:29) Wuxuu kaloo u sheegay inuu maalinta saddexaad soo sarakici doono. Waxyaalahan oo dhammina sidii uu yiri uun bay u dhaceen. Wuu ogaa. Isagu ma ahayn sida dadka kale, waayo innagu ma ogin, nebiyadii kalena ma ogayn dhimashadooda. Adiga iyo anigu waxaan ku dhiman doonaa meeshii, sidii iyo goortii uu Ilaahay go'aansado. Laakiin Ciise wuxuu yiri, "Ninna igama qaado, laakiin anaa iska bixiya. Waxaan leeyahay amar aan ku bixiyo, waanan leeyahay amar aan haddana ku soo qaato."(Yooxanaa 10:18) Weligii ma dembaabin, sidaas daraaddeed muu muteysan dhimasho. Isaga oo aan dhiman ayuu samada aadi karay, laakiin isaga ayaa doortay inuu dhinto si uu kuwo kale u badbaadiyo. Noloshiisa innaga ayuu inoo bixiyey, si aynu dembigeenna uga badbaadno. Adiga ayuu kuu dhintay. Isagu waa adhijirka wanaagsan, naftiisana wuxuu u bixiyey idahiisa. Daa’uud, Ishacyaah iyo nebiyadii kale way sii sheegeen Ciise dhimashadiisii. Nebi Daa’uud ayaa wax ka sheegay Ciise Masiix dhimashadiisii sida ku qoran Sabuurka 22:15-18, waxaana qoran sidatan, "Xooggaygii wuxuu u engegay sidii dheri burburkiisa oo kale, oo carabkaygiina daamankayguu ku dhegay, oo waxaad i gelisay ciiddii dhimashada. Waayo, waxaa i hareereeyay eeyo oo waxaa hareerahayga isku wareejiyey shirkii xumaanfalayaasha oo waxay iga mudeen gacmaha iyo cagaha. Lafahaygii oo dhan waan tirin karaa, oo iyagu way i fiiriyaan oo igu dhaygagaan, Dharkayga bay qaybsadaan, Oo maradaydana saami bay u ritaan." Nebi Ishacyaah ayaa isaguna ka hadlay wax ku saabsan Sayid Ciise Masiix dhimashadiisii, sida ku qoran kitaabka Ishacyaah 53:3-12 oo leh: "Isaga waa la quudhsaday, waana la diiday, oo wuxuu ahaa nin murugeed, oo xanuun bartay, waana la quudhsaday sida mid dadku wejiga ka qarsado, mana aynaan xurmayn. Sida runta ah wuxuu xambaartay xanuunyadeennii, wuxuuna qaatay murugadeennii, laakiinse waxaynu ku tirinnay mid belaayo ku dhacday, oo Ilaah dilay, oo dhibaataysan. Laakiinse waxaa isaga loo dhaawacay xadgudubyadeenna, waxaana loo nabareeyay xumaatooyinkeenna, edbintii nabaadiinadeennana dushiisay ku dhacday, dildilaaciisiina waynu ku bogsanay. Dhammaanteen sidii ido baynu u hallownay, midkeen waluba jidkiisuu u leexday, oo Rabbigu wuxuu isaga dul saaray xumaanteenna oo dhan. Isaga waa la dulmay waana la dhibay, laakiin innaba afkiisa ma uu kala qaadin. Isaga sidii wan la qalayo baa loo kaxeeyay, oo sidii lax ku aammusan kuwa dhogortaka xiira hortooda, isagu afkiisa ma uu furin. Isaga dulmi iyo xukun baa lagu sii qaaday. Haddaba bal yaa qarnigiisii ka mid ahaa oo u maleeyayin isaga laga gooyay dalkii kuwa nool? Xadgudubka dadkayga daraaddiis ayaa isaga loo garaacay. Xabaashiisiina waxaa lagu daray kuwii sharka lahaa, dhimashadiisiina mid taajir ahaa, in kastoo uusan dulmi samayn, khiyaanona aanay afkiisa ku jirin. Habase ahaatee waxaa Rabbigu raalli ka noqday inuu isaga nabareeyo. Wuxuu isaga ku riday xanuun. Markaad naftiisa qurbaan dembi ka dhigtid ayuu arki doonaa farcankiisii, cimrigiisuna waa dheeraan doonaa, oo Rabbiga doonistiisuna gacantiisay ku liibaani doontaa. Wuxuu arki doonaa waxay naftiisu ku dhibtootay, wuuna u riyaaqi doonaa. Addoonkayga xaqa ahuna aqoontiisa ayuu kuwa badan xaq kaga dhigi doonaa, wuxuuna xambaari doonaa xumaatooyinkooda. Sidaas daraaddeed waxaan isaga wax ula qaybin doona kuwa waaweyn, isna wuxuu boolida la qaybsan doonaa kuwa xoogga badan, maxaa yeelay, isagu naftiisuu geeri u huray, waxaana lagu tiriyey kuwa xadgudbay, weliba wuxuu xambaartay kuwa badan dembigood, wuuna u duceeyay kuwa xadgudbay." Weli ninna uma dhiman siduu u dhintay, isagu waa mid khaas ah oo aan mid la barbardhigi karo lahayn. 

How do you see it HIS SUFFERING?

How do you feel about his death? Do you know where you will die? In your country of residence or in another country? In the sea, on the road, on your bed, where? Do you know how you will die? Will you die of an illness, an accident, or a natural death? You may be able to answer this. When will you die? How old will you be? What day, month, year? What will happen to you after death? You and I must admit that we do not know all of this. Only God knows and decides. But Jesus knew in advance that His death would take place in Jerusalem. He described how he was going to die, giving details of how he was going to die (Luke 18: 31-33). He told his disciples when he was going to die. It was the day of the sacrifice, the day when everyone slaughtered a lamb to celebrate the Passover, and he died as if, "The Lamb of God who took away the sin of the world." (John 1:29) He also told them that he would be resurrected on the third day. All of this happened exactly as he said it would. He knew. He was not like other people, because we do not know, and the prophets did not know of their deaths. You and I will die where and when God decides. But Jesus said, "No one takes it from me, but I lay it down of my own accord. I have authority to lay it down, and I have power to take it up again" (John 10:18). He never sinned, so he did not deserve to die. He could have gone to heaven without dying, but he chose to die to save others. He gave His life for us, that we might be saved from our sins. He died for you. He is a good shepherd, and he gives his life for the sheep. David, Isaiah, and other prophets foretold Jesus' death. The prophet David prophesied about the death of Jesus Christ in Psalm 22: 15-18, and it is written, "I was surrounded by dogs and surrounded by evil people. They pierced my hands and my feet. I can count all my bones. They look at me and stare at me. They divide my clothes and cast lots for my clothes." The prophet Isaiah also spoke of the death of the Lord Jesus Christ, as recorded in Isaiah 53: 3-12: "He was despised, and rejected of men; a man of sorrows, and acquainted with grief: and we hid our faces from him; He has held our griefs, and carried our sorrows: yet we did esteem him stricken, smitten of God, and afflicted. The chastisement of our peace was upon him; and with his stripes we are healed. He was led like a sheep to the slaughter, and like a sheep that before its shearers is silent, so he opened not his mouth. and was sentenced to death. Because of the transgression of my people was he stricken. His grave was with the wicked, and his death with the rich, although he had done no violence, neither was any deceit in his mouth. Yet it pleased the LORD to bruise him; He put him in pain. When you make his soul an offering for sin, he shall see his seed, he shall prolong his days, and the pleasure of Yahweh shall prosper in his hand. He will see what his soul has suffered, and he will rejoice. And by my knowledge shall the righteous one, my servant, make many to be accounted righteous, and he shall bear their iniquities. Therefore will I divide him a portion with the great, and he shall divide the spoil with the strong; because he hath poured out his soul unto death: and he was numbered with the transgressors; yet he bare the sin of many, and made intercession for the transgressors. No one has yet died as he did, he is unique and incomparable.

Prayer is Powerful, Can We Pray For You?
9
May
Jesus Has The Power to Help You
10
May
Would You Like a Bible for Free?
11
May

I usually respond within 48 hours.
Please, don't forget to include your email.

Thank you!
Your message has been received!
Oops!
Something went wrong while sending the message.